Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag



Xaflad Loogu Magac Daray Somaali Award Ayaa Ka Dhacday London, Hadhwanaagnews Oo Loo Aqoonsaday Shabakadda Ugu Wacan Saxaafadda Somaalida.

(Hadhwanaagnews)  Saturday, February 13, 2010

(London HNW) Waxay ahayd xaflad si heer sare ah losoo agaasimay, madashu waa Magaaladda London, badi waxaa isugu yimi dadka caanka ah ee Somaaliyeed ee ku nool magaaladda London, waxaa kale oo ka soo qaybgalay Mayaaro Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Waddanka Ingririiska, dad caan ka ah waddanka Boqortooyada Britain. Xafladan waxaa isku soo dubariday mid kamid ah ururada ugu caansan waddanka Britain, magaciisuna yahay (HAYA) qiimayn badan iyo guddi kala gedisan oo loo saaray cidii guulaysatay qiimayn badan kadib,

 
 

Wariye Muniir Ahmed Cigaal oo Biladii Hadhwanaagnews lasiinayay u qaadaya oo ay wajigiisa ka muuqato Faraxdin (Hadhwanaagnews oo Noqotay Warbaahinta Somalida oo dhan ugu Horaysa)

 
haday tahay sherkadaha, Saxaafada oo kala ah Telefeeshinada iyo Wabsite-yada iyo ash khaasta caanka ah ayaa gebo gebadii xafladan lagu shaacinaayay. qaban qaabada xafladan iyo kala reebida cida la aqoon sanaayo ayaa muddo ka socotay guud ahaan Ingiriiska. Xafladu waxay ku bilaabantay jawi degen dadkoo dhammaantod qurux laga dareemaayay wajigooda iyo farxad tiro badan.Ugu horrayn waxaa shirka furay agaasimaha Ururka HAYA Abdirashiid Aadan Dheere oo ku soo dhaweeyay dhammaan dadkii xaflada ka soo qaybgalay. Abdirashiid wuxuu sheegay in manta halkan lagu amaal marin doono cidii qiimaynta kadib la doortay, isla markaana Xafladu noqon doonto mid waxyaabo xiso badan lagu soo bandhigo.

 

Mayarka Magalada oo Biladii Hadhwanaagnews loogu talo galay Gacanta ku haysa

 

Wariye Muniir oo Madasha Ka Qudbeynaya

 
Xafladu waxay ahayd qaybta hore oo barnaamij suganeed loogu talo galay, qaybta labaad oo shahadooyinka la gudoon sinaayay cidii ku guulaysatay, iyo qaybta hadalka iyo qudbada oo u dhaxaysay. Warabaahinta ugu caansayad ee halkaas shahaadada kala huleelay guushuna raacday waxaa kamid ahaa. Telefeeshinka Universal’Tv  oo loo aqoon saday Telefeshinka ugu wacan Somaalida, Shabakadda Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews oo loo aqoon saday shabakadda ugu wacan ugna dadaalka badan Wabsite-yada Somaalida oo dhan, Sherkada Caanka ah ee Dahabshiil. oo iyadana loo aqoonsaday Sherkadii ugu wacnayd Sherkadaha Somaalida ee dadka Somaliyeed u adeega. Sidoo kale waxaa jiray ashkhaas halkaas lagu gudoon siiyay Shahaadooyin, sida Wariyaha Caanka ah ee Cabdi Salaan Ibraahim Hereri oo loo aqoonsaday Wariyaha wariyaasha Somaalida, Al-Fanaan Xuseen Jooqle Shire iyo Abwaaan Cabdi Jooqle Shire oo wadaagayay hal shahaado oo loogu gartay siday nabada Somaaliya uga qayb qateen, Ciyaar yahanka Somaliyeed e ugu horeyay oo ka ciyaara kooxa heerka kobaad ee Ingiriiska Abdisalaan Cadday oo hadda u ciyaara kooxda Manchester City, waxaana shahaadada u gudoomay abihii Cadday, Ururka Dhalinyaradda Taf oo isna lagu abaal mariyay dhismaha Cisbitaalka Waalida iyo hawlaha samofal ee ay qabtaan, Hay’ada IDS. Oo ah mid caawisa dadka. Iyo dadban oo caan ka ah waddanka Britain .

 

Dadban ayaa halkaas ka hadlay, oo isugu jiray aqoonyahano, dad caan ku ah Ciyaaraha, iyo waliba madax ka tirsan waddanka Ingiriiska. Shabakadda Hadhwanaag ayay u tahay guul weyn oo u soo hoyatay kadib markii loo aqoonsaday mida ugu horeysa Saxaafadda Somaalida oo dhan, waxay ku timi qimayn lagu sameeyay dhammaan Shabakaddaha Somaalida.

 

 
 
Maaha markii ugu horeyasay oo Hadhwanaag media loo aqoonsaday amaba lasiiyay shahaado oo ay ku noqotay Warbaahinta xaga internetka Soomaalida oo dhan Kaalinta 1-aad waxayna ku mutaysateyn shaqalaha Hadhwanaagnews oo ah dhalinyaro isku tagtay oo heer ka sameeyay amaba hormariyay Saxafada somalida Waxaadna ka maqli kartaa Codadka Hadhwanaagnews kasoo baxa Radiyowgeeda Codad kala duwan oo ay ka muuqato Aqoon saxaafadinimo halka Warbaahinta kale ay mar walba latacaalan Hal qof oo ka dhex muuqda, balse hadhwanaagnews ay yihiin Dhalinyaro isku tagtay.
 
Hadaba Habaynkan Bilada lasiiyay ayaan waxaan idiin soo dayn doonaa Codkii iyo hadalkii halkaas uu kasoo jeediyay Wariyeha Sanadka Muniir Ahmed Cigaal oo ahaa mas´uulkii ka socday Hadhwanaagmedia oo lagu sacuumay inu dadka u jeediyo khudbad taabanaysa waxay ku gadheen horumarkaa iyo waxay qabtaan.

 

Muniir Axmed Cigaal
Hadhwanaagmedia England/Uk.
Email
muniir10@gmail.com


Submit by:-Edit

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comGabooyenewsQarannews.somalidiasporanews.com/SomaliPCtogahererwww.aminarts.com

©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca