Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Kulan Lagu Falan-qaynayo Xidhiidhka Ugu Habboon Ee Ciidanka Booliska Iyo Bulshada Oo Hargeysa Ka Furmay


(Hadhwanaagnews) Wednesday, July 18, 2012
Kulan Lagu Falan-qaynayo Xidhiidhka Ugu Habboon Ee Ciidanka Booliska Iyo Bulshada Oo Hargeysa Ka Furmay

Hargeysa (HWN):-40-ka mida Taliyeyaasha Saldhigyada Ciidanka Booliska ee  Caasimadda ayaa tababar la xidhiidha qaabka ay Boolisku ula dhaqmayaan bulshada ayaa uga furmay magaalada Hargeysa.

Aqoon iswaydaarsigan oo ay ka soo qayb-galeen 40-ka mida Taliyeyaasha Saldhigyada Ciidanka Booliska ee gobolka Maroodi jeex, Xubno ka socday Madax-dhaqmeedka, bulshada rayidka ah, Xuquuqal insaanka, waxaana mudada uu socdo lagu lafa guri doonaa sidii loo samayn lahaa xidhiidh wanaagsan oo ka dhaxeeya Booliska iyo Bulshada, isla markaana loo

abuuri lahaa Saldhigyo Boolis oo casri ah, kuwaasoo ay Maal-galinayso Hay’adda UNDP iyo Wasaarrada Arrimaha gudaha Somaliland oo isla kaashanaya.

Tababarkan waxa furay Ku-simaha Agaasimaha guud ee Wasaarrada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Cismaan Dubbe, ayaa ka soo qayb-galayaasha u soo jeediyey inay si wacan u lafa guraan, isla markaana ay la yimaadaan Fikrado wanaagsan oo isku soo jiidaaya Shaqada Ciidanka Booliska iyo Bulshada Somaliland.

Ku-simaha Agaasimaha guud ee Wasaarrada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Cismaan Dubbe waxa uu soo jeediyey Taliyeyaasha Saldhigyada gobolka Maroodi jeex inay dabacsanaan u muujiyaan Dadka ku xidhan Saldhigyada ay maamulaan, isla markaana aanay Bulshadu sas ka qaadin Saldhigyada, waxaanu yidhi “Berrigii hore ayaa dawladii kalitaliska ahayd ee Siyaad Barre ayaa Saldhigyada ku ciqaabi jirtay dadka shacabka ah ee ay ku hayaan Saldhigyada, waxaanad moodaa in Saskii ay bulshadu berigaa ka qaaday Saldhigyada inay wali ku jirto, hase yeeshee waxa la doonayaa oo idinka Masuuliyadi idinka saaran tahay inaad Bulshada dabacsanaan u muujisaan.”

Waxaanu intaas ku daray oo uu yidhi “Ciidanka Booliska waxa laga doonayaa inay sameeyaan xidhiidh fiican oo ay la yeeshaan Shacabka reer Somaliland.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Madaxa amniga ee wasaarada arrimaha gudaha Faysal Guhaad Cabdi iyo Suldaan Naasir Cabdi Ismaaciil.

A.A. Asporo

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Asporo23@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.