Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


DAAWO VIDEO: Badhasabka Gobolka Togdheer oo Madaarka ku soo dhoweeyey Diyaarad Local ah oo Madaarada Berbera iyo Hargaysa iyo Kan Burco isku xidhaysa, kana Bilaabaysa Duulimaadyo caadi ah.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, December 04, 2012
Guddoomiyaha Gobolka Togdheeriyo Xoghayaha Wasiirka Duulista iyo weliba Guddoomiyaha Guddiga dibu dhiska madaarka Burco Sh.Cali Mawliid ayaa maanta madaarka burco kusoo dhoweeyey Diyaarad nooca rakaabka qaada ah,taaso ka shaqayn doonta gudaha Somaliland

DAAWO VIDEO: Badhasabka Gobolka Togdheer oo Madaarka ku soo dhoweeyey Diyaarad Local ah oo Madaarada Berbera iyo Hargaysa iyo Kan Burco isku xidhaysa, kana Bilaabaysa Duulimaadyo caadi ah.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdo Axmed Ayir iyo Xoghayaha Wasiirka Duulista C/lahi Yusuf Axmed iyo weliba Guddoomiyaha Guddiga dibu dhiska madaarka Burco Sh.Cali Mawliid ayaa  maanta madaarka burco kusoo dhoweeyey Diyaarad nooca rakaabka qaada ah,taaso ka shaqayn doonta gudaha Somaliland.

Diyaaradan oo goor dhoweyd soo caga dhigatay madaarka Burco oo ah dayuuradaha yaryar ee qaada 9ka qof ayaa siddey Agaasimaha waaxda duulista ee

 wasaradda duulista hawada, Geelle Cisman Gelle Arab oo ah masulka wakiilka ka ahaa shirkadda iskaleh diyaaraddan, iyo xubno kale.

Agaasimaha iyo badhasabka togdheer oo warbaahinta uga warramay ujeeddada ay diyaaradani u timi, hawlaha ay qaban doonto iyo wakhtiga ay bilaabayso hawlaheeda ayaa sheegay inay tahay diyaarad local ah oo ka shaqaynaysa gobolada dalka oo keliya isla markaasna isku xidhaysa dayuuradaha internationalka ah iyo Dadka ka soo degaya ama ka dhoofaya madaarka hargaysa iyo ka berbera oo iyagu imminka si toosa u shaqaynaya.

Waxay sheegeen masuliyiintani in ganacsatada iyo tujaarta gobolkuba ay si private ah u adeegsan karaan diyaaraddan iyadoo lagaga maarmayo bay yidhaahdeen gaadiidkii jidkaa dheer ay ku soo mari jireen dadka dhoofaya ama soo degaya qaarkoodnashilalka waddooyinka la kulmi jireen.

Badhasabku wuxu si gaar ah u sheegay in guul weyn ay shacabka gobolka togdheer u tahay in muddadii uu joogay uu hirgeliyey in qurbajoogu ay ku yimaadaan gobolkooda diyaarad oo ay ka raystaan gaadiidkii dhulka mari jirey, wuxu kaloo xusay in fursad fiican ay u tahay ganacsatada iyo tujaarta waddo xumo awgood ay u tegi kari wayaan gobolada bariga siiba gobolka sanaag, balse imminka dayuuradani noqon doonta mid gobolada oo dhan dadka u kala qaada oo geysa qof walba gobolkiisa, shaqadeedii ugu horeysayna ka bilowda Gobolka Togdheer, waxa uu badhasabku aad ugu mahadceliyey wakiilka shirkadda diyaaradan iska leh Mr. geelle cisman geelle.

Dhinaca kale agaasimaha wasaaradda duulista hawadu wuxu baabuur noocisu yahay mini bus ama NOAH uu guddoonsiiyey masuliyiinta madaarka burco, halkaasoo uu sheegay in dadaalka ay wasaaradiisu ugu jirto kobcinta iyo wax ka qabashada madaarka Burco uu ka mid yahay baabuurkani noqona doono mid shaqaalaha lagu rawixiyo laguna soo guro.

 
Isku soo wada duubo Madaarka Burco ayaa maanta u eeg mid shaqooyinkii lagu yaqaanay madaarada u bilaabay si step step ah, taasoo haddii uu dhammaystirmo dhismihisu laguna guuleysto sida garoomada caadiga ahna u shaqeeyo ammaanteeda ugu weyn uu yeelan doono badhasabka Gobolka Togdheer oo xil weyn iska saaray dib u soo noleynta madaarkii Burco, maadaama uu ka mid ah qurbajooga gobolka si weynna u dareensanaa baahida loo qabo madaarkan, waxaana uu unoqon doonaa waxyaabaha taariikhda u gelaya ee uu ka qabtay gobolka muddadii uu guddoomiyaha gobolka ahaa.
 
 
 
 

Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)

Hadhwanaagnews Burco / Office

Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com

 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.